Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo isbaddal ku Sameeyay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamad Filish ayaa is badal ku sameeyay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho.
Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Guhaad Sh Xasan ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee degmada Dharkeenley.
Xoghayihii degmada Dharkeenley Mudane Maxamed Suudi ayaa isna loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab.
Gudoomiyaha Cusub ee degmada Shibis ayaa loo Magacaabay Cali Axmed Cabdulle ( Cali Soomaali).
Cali ayaa ah nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan, islamarkaana horay u soo ahaan jiray Wariye.
Degmada Shibis ayaa muddo bilooyin ah waxaay aheyd maamul la’aan ka dib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee degmadaasi.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa xil ka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii degmada Shibis Cabdi Raxamaan Sayid Cali bishii Abril ee sannadkaan wixii Xiligaas ka danbeeyayna degmadu maysan lahayn wax guddoomiye ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here