DHAGEYSO:Guddoomiyaha gobolka banaadir oo la kulmay bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa Hoygiisa ku qaabilay Hogaanka Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Cumar & Hoggaanka Bulshada Rayidka ayaa ka wada hadlay in door weynka ay ka qaataan Doorshada Dalka ka dhaceysa iyo In kaalintooda Ururada Bulsho ay Wadankaan ku samata Bixiyaan.
Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Tahliil Shaatax ayaa Duqa Magaalada u Mahad celiyay ,isaga oo ku booriyay In Guddoomiye Cumar Filish uu sii labo Jibaaro Dadaalada Hormarineed Ee Caasimada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Bulshada rayidka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada wada-hadallada la xiriira arrimaha doorashada, isla markaana kulanka Duqa Muqdisho uu daba socdo dadaalada ay wadaan ee ku aadan arrimaha doorashada.
Urrurada Bulshada Rayidka ayaa horay waxaa ay ula kulmeen Madaxweyne farmaajo, qaar kamid ah Madaxda Xisbiyada siyaasadeed iyo saamileyda dalka, iyaga oo kala hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya.
Dhankale Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xassan Iimaan ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayey dar-dargelinta, sare u qaadista dakhliga Dowlada Hoose ee Xamar iyo qaadista Canshuuraha Guryaha.
Shirkaan oo ay ka qeyb-galeen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Agaasimayaasha qaabilsan dakhliyada Dowladda Hoose ayaa waxaa baaq loogu diray shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir in ay noqdaan Canshuur bixiyeyaal.
Sidoo kale inay ka Shaqeeyaan dib u soo celinta bilicdii Caasimadda si wax looga qabto adeegyada aas-aasiga ah ee Bulshada u baahan-yihiin sida; Waxbarashada, Caafimaadka, Nadaafada iyo dhismaha Kaabayaasha Muhiimka ah.

Shacabka Gobolka Banadir ayaa waxaa ay yihiin kuwa ugu badan ee Canshuurta siiya Dowladda gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir, hayeeshee taasi bedelkeeda aysan helin adeegyadii ay u baahnaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here