Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo socdaal lagu qiimeynayo Xaaladda amni ee Magaaladda Muqdisho ku tagay qaar kamida Isgoysyada Gobolka

182

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan injineer Yarisow oo xalay booqasho ku tagay qaar kamid ah isgoysyada ugu muhiimsan magaalada Muqdisho ayaa soo arkay howlgallo ay wadeen Ciidanka Amniga.
Waxaa uu halkaas kula kulmay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku caweynayay waddooyinka, kana wareystay xaaladdooda iyo sida uu yahay ammaanka degaanka.
Gudoomiyaha ayaa dhalinyarada ku nool Caasimadda ku boggaadiyey sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan Ciidanka Amniga ka shaqeynaya.
Waxaa uu guddoomiyuhu bulshada ku nool Degmooyinka Gobolka Benaadir ku adkeeyay in ay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha ammaanka.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagey xarunta 991 ee Booliiska, isagoo ku dhiirigeliyey howllaha muhiimka ah ee ay bulshadda u hayaan.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisu uu ahmiyad gaar ah siiyey isku xirka shacabka iyo ciidanka, iyadoo uu qeyb weyn ka qaadatay barnaamijka dariseynta oo bulshada isku xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here