Guddoomiyaha golaha COG oo walaac ka muujiyay culeyska dhanka dhaqaalaha ee haysta ismaamulada

Guddoomiyaha golaha ay ku mideysanyihiin barasaabyada ismaamulada dalka ee COG ahna hoggaamiyaha dowlad deegaanka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in dowladda dhexe laga doonayo inay qaaddo tallaabo degdeg ah haddii kale waxaa suurtagal ah inaan musharaad la siinin shaqaalaha ismaamulada.
Waxaa uu dhanka kale bangiyada dalka ka codsaday inaynan howlwadeenada lagu leeyahay deymaha cadaadis saarin maadaama laga cabsi qabo inuu ka soo dib dhaco
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo weli wax xal ah aan laga gaarin muranka ku aaddan qaabka loo qeybsanayo dakhliga qaran ee dowladda soo galo.
Xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa soo jeediyay in ismaamulada lagu wareejiyo miisaaniyad dhan 310 bilyan oo shilin halka aqalka sare uu doonayo in dhaqalahaasi laga dhigo 335 bilyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here