Guddoomiyaha golaha hoose ee Homa Bay oo xilka qaadis lagu sameeyay

Wakiillada laga soo doortay deegaannada hoose ee ismaamulka Homa Bay ayaa shalay xilka qaadis ku sameeyay Evance Marieba oo si ku meel gaar ah u hayay jagada guddoomiyaha golaha dowlad deegaankaas.
Waxay xilkaas u doorteen Geoffrey Anyango oo ah wakiilka deegaanka hoose ee galbeedka Kabondo.
Sido kale siyaasiyiinta ayaa hoggaamiyaha aqlabiyadda Walter Muok ka xayuubiyay xilkiisa waxayna ku beddeleen Jeff Ongoro oo matalo shacabka Kanyaluo .
Kal fadhi qaatay toban daqiiqo oo keliya , 53 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Homa Bay ayaa u codeeyay inuu xafiiska banneeyo Mr. Marieba .
Mooshinka mas’uulkan xilka looga qaaday waxaa golaha hor keenay wakiilka Kendu Bay ,Maurice Ogwang’.
Hasa ahaate Mr Ogwang’ ayaan faahfaahin sababaha keenay inuu tallaabadaas qaado.
Mr. Marieba ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay guddoomiyaha golaha sharci dejinta ee Homa Bay sannadkii 2018-kii kaddib markii xilka laga qaaday Ms Elizabeth Ayoo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here