Guddoomiyaha golaha hoose ee Machakos oo laga helay Covid-19

Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Machakos Florence Muoti Mwangangi ayaa is karantiishay kaddib markii laga helay cudurka coronavirus.
Mrs. Mwangangi oo sidoo kale ah hooyada xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in sagaal cisho ka hor cudurka laga helay.
Sida laga soo xigtay haweeneydan waxay sheegtay inay ogaatay in mid ka mid ah asxaabteeda uu muujinayo astaamaha cudurka COVID-19 islamarkaana dhammaan wakiilada golaha hoose ee Machakos la baaray.
Waxay ka mid noqotay laba qof oo laga helay cudurka.
Mrs. Mwangangi ayaa dhanka kale xustay inay raaceyso tilmaamaha wasaaradda caafimaadka, iyadoo intaa ku dartay in cudurka uu jira islamarkaana qof walbo uu ka taxadarro.
Waxay ay ku boorrisay dadka uu soo ritay fayraska Corona ee gudaha dalka inay joojiyaan cabsida oo ay soo baxaan oo ay dadka u sheegaan wax badan oo ku saabsan xanuunka coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here