Guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi oo xafiiska dib ugu laabatay

Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Nairobi Mrs. Beatrice Elachi ayaa maanta xafiiskii ay ka howlgalaysay dib ugu laabatay kaddib amar ka soo baxay maxkamadda.
Wakiilada golahaasi ayaa horay xilka qaadis ugu sameeyay Elachi balse dacwad in muddo ah socotay kaddib garsoorayaasha ayaa sharci darro ku tilmaamay mooshinkii ka dhanka ahaa.
Bishii sagalaad ee sannadkii hore ayaa guddoomiyaha golaha dowlad deegaanka Nairobi xafiiska laga saaray xilligaasi oo qaar ka mid ah wakiilada ay ku eedeyeen inaynan waajibaadkeeda u gudan sida habboon.
Hasa ahaate muuqaal kooban oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Mrs. Elachi oo barasaabka caasimadda dalka Mike Sonko uga mahadcelinaysa sida uu u garab istaagay xilli ay wajahaysay caqabado uga yimid qaar ka mid ah mas’uuliyiinta la soo doortay.
Waxay ku nuuxnuuxsatay in hadda kaddib golaha ismaamulka Nairobi aan loo adeegsan doonin si sharciga wadanka u degsan liddi ku ah.
Sido kale Elachi ayaa ku baaqday in xubin ka tirsan golahaasi aan loo oggolaan inuu wadanka dibadiisa u safro iyadoo aysan jirin warqad ay guddoomiye ahaan saxiixday.
Wakiilka deegaanka hoose ama woodka Ngara, Chege Mwaura, oo xilka guddoomiyaha si ku meel gaar ah u sii hayay ayaa dhankiisa weli ku adkeysanaya inaan laga wareejin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here