Guddoomiyaha golaha shacabka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulmay

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan.
Labada Mas”uul ayaa qaatay kulan saacado dhowr ah socday oo ay iskaga xog wareysanayeen Xaaladda Siyasadeed ee ka jirta Dalka Soomaaliya sida Arimaha Doorashooyinka,Amniga,iyo Dadaalada Hormarineed ee ay ku tilaabsatay Dowlada Koonfur Galbeed.
Maxamed Mursal She C/raxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uga mahadceliyey Booqashada ugu yimid wuxuuna ku bogaadiyey Doorka uu ka qaadanayo shirka Wadatashiga Madaxda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah oo lagu wado inuu 12 bishaan oo Sabtida ku began ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimada wadanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here