Guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee baarlamaanka oo digniin ka soo saartay COVID19

Guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee baarlamaanka dalka ahna wakiilka haweenka ee ismaamulka Murang’a Sabina Chege ayaa wasaaradda caafimaadka ugu baaqday inay laba jibaarto dadaalkeeda ku aaddan la tacaalidda cudurka COVID19.
Waxay ka digtay in hadii Kenyaanka ay sii wadaan fududeysiga halista caabuqa corona , dib loo xiri karo qaar ka mid ah fasallada dugsiyada ee toddobaadkii hore la furay.
Haweeneydan ayaa hoosta ka xarriiqday inay lagama maarmaan tahay in sidii hore taxaddar loo muujiyo oo lagu dadaalo kala fogaanta iyo gacmo dhaqashada joogtada ah.
Waxay Sabina Chege sheegtay in baarlamaanka uu wasaaradda caafimaadka ee dalka ku wareejiyay 300 oo milyan oo shilin si loogu soo iibiyo maaskarada wax ka badan hal mar la isticmaali karo.
Guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee baarlamaanka ayaa wasaaradda kula talisay in ay mudnaanta koowaad siiso ardayda dugsiyada dib ugu laabtay oo ayna afxir ku filan u qaybiso.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here