Guddoomiyaha hoggaamiyaasha ismaamullada oo digniin soo saaray

Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin madaxda ismaamullada dalka ee CoG ahna barasaabka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa sheegay inay dhawaan istaagi doonaan howlaha dowlad deegaanada hadii aqalka sare uusan si degdeg ah xal uga gaarin nidaamka dakhli qaybsiga.
Mr.Oparanya ayaa xubnaha aqalka senate-ka ugu baaqay inay 17-ka bishan ka hor heshiis ka gaaraan hannaanka saddexaad ee ismaamullada ay dakhliga ku qaybsanayan.
Waxaa hadalka barasaabka Kakamega taageeray hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi.
Mr. Mudavadi ayaa xusay in hadii muranka jira ee la xiriira qaybsashada dhaqaalaha aan xilliga ku habboon la dhameyn ay meesha ka baxayaan guulihii laga dhaxlay nidaamka dowlad wadaajinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here