Guddoomiyaha IEBC oo dhalaceyn dusha uga tuuray warbixinta BBI

Guddomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC Wafula Chebukati ayaa si kulul u cambaareeyay hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga iyo kuwa kale ee u ololeeya warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Soo jeedinta warbixnta BBI ayaa waxaa ka mid ah in IEBC ay qayb ka tahay kala qaybsanaanta goob walba doorasho ka dhacdo.
Bayaan uu soo saaray Mr Chebukat ayuu ku eedeeyay dadka taagersan warbixinta BBI in ay meel uga dhaceen guddiga IEBC.
Iyadoo Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga dhawaan si rasmi ah loogu wareejiyay warbixinta labaad ee guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI ayaa la soo jeediyay in isbadal lagu sameeyo IEBC.
Chebukati wuxuu ku tilmaamay isbadalada la soo jeediyay inay yihiin weeraro joogto ah oo ka dhan ah guddiga isaga uu hoggamiyo.
Waxaa kalo la soo jeediyay in la soo magacaabo guddi cusub oo IEBC ka hor doorashada sannadka 2022-ka
Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa dhowr jeer oo hore ku baaqay in isbadal guud ah lagu sameeyo IEBC si looga hortago wax isdaba marinta, isagoo ku adkeystay in wax isdaba marintu ay tahay mid ka mid ah sababaha ugu waawayn ee keena rabshadaha doorashada kaddib iyo xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya.
Isbedelada kale ee BBI ee la soo jeediyay ayaa waxaa ka mid ah in dhammaan shaqaalaha IEBC ee lagu shaqaaleysiinayo qandaraas 3 sano ah waxaana heshiiskooda la cusbooneysiin karaa mar haddii wax qabadkoodu wanaagsan yahay.
Maalinta Isniinta ee toddobaadkan ayaa warbixinta si rasmi ah loogu soo bandhigi doonaa xarunta BOMAS ee Nairobi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here