Guddoomiyaha IEBC oo ku Baaqay in la Dardargeliyo Isbeddelada Dhanka Doorashooyinka

82

Guddoomiyaha guddiga madaxa  bannaan ee doorashooyinka  iyo xuduudada ee  IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa sheegay  in ka hor  sannadka 2022-ka   loo baahan yahay  in la dardargeliyo  isbeddelada  lagu sameynayo hannaanka doorashooyinka ee dalka.

Mr. Chebukati  ayaa hoosta ka xarriiqay in  hadda la  joogo xilligii  la soo saari lahaa  isbeddelada   muhiimka ah si ay guddigu ugu suurtagasho  inuu qabto doorasho natiijada  ka soo baxdo lagu kalsoonaan karo.

Bayaan uu soo saaray ayuu dhammaan  maamulada   arrimahan ay sida  gaarka ah u khuseyaan ugu baaqay  inay hadda  tallaabooyin qaadaan  si bilooyinka ugu dambeeya  uunan jahawareer u jirin.

Mr. Chabukati  ayaa intaasi raaciyay inay lagama maarmaan tahay in ugu yaraan  hal sano ka hor xilliga   doorashada inay diyaar ahaadaan isbeddelada ugu waweyn  ee la xariira codeynta.

Guddoomiyaha ayaa talooyinkan soo jeediyay  kaddib markii magaaladatani Nairobi uu  ku daahfuray  toddobaadka   guddigu uu u qorsheeyay inuu sannad kasta dadweynaha wax ka  fahansiiyo arrimaha doorashada.

Munaasabado barnaamijkan ku saabsan ayaa lagu qabanaya dhammaan  ismaamulada  iyo deegaanada dalka  waxaana sannadkan hal ku dhig  u ah  in  Kenya  ay u dhaqaaqdo dhinaca   dimuqaraadiyad awood leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here