Guddoomiyaha Isiolo oo ku baaqay in abaarta wax laga qabto

Barasaabka ismaamulka Isiolo Mohamed Kuti ayaa baaq ka soo saaray la tacaalidda abaarta saameysay qaar ka mid ah deegaanada dalka isagoo soo jeediyay in lala yimaado tallaabooyin wax looga qaban karo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shacabka ku nool ismaamulkaasi ay si aad ah ugu baahan yihiin gargaar cunno iyo biyo.
Dr. Kuti ayaa dhanka kale ku taliyay in la soo afjaro muranka ka dhexeya guddoomiyaasha ismaamulada iyo xubnaha baarlamaanka ee ku aaddan qaabka loo qeybsanayo kheyraadka dalka.
Isqabqabsiga jira ayuu ku tilmaamay mid hakad gelinaya geedisocodka howlaha dadweynaha loogu adeego .
Barasaabka ayaa carrabka ku dhuftay in Isfahan waaga ka dhashay qeybsashada dakhliga qaran uu caqabad ku noqday ismaamulkiisa ayna ku adkaatay inuu kheyraad ku filan ku bixiyo maareynta abaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here