Guddoomiyaha ismaamulka Nandi oo beeniyay in boolisku ay raadinayaan

Bayaan ka soo baxay xafiiska agaasimaha isgaarsiinta ee ismaamulka Nandi ayaa lagu beeniyay warar shalay ay hadal hayeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka oo ahaa in ciidamada booliska ay raadinayaan barasaabka dowlad deegaankaasi Stephen Sang.
Mr. Gideon Cise , agaasimaha isgaarsiinta ee Nandi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Mr. Sang uu dhuumaaleysanayo si aan xabsiga loogu taxaabin.
Agaasimaha isgaarsiinta ee Nandi ayaa intaasi ku daray in guddoomiyihu uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo ciidamada baaritaanada sameynaya.
Waxaa uu sido kale carrabka ku adkeeyay in beerta caleenta shaaha ee uu Sang ka soo dhex muuqday ay tahay mid laga sameeyay dhul dadweyne.
Wararka la xariira raadinta guddoomiyaha ayaa soo baxay kaddib markii uu laga dhex arkay muuqaal muujinaya isagoo jaraya caleenta shaaha oo la beeray oo ay leedahay shirkad wadamo badan ka howlgasho.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Nandi, Samuel Kimiti iyo madaxa booliska ee gobolkaasi Thomas Ngeiywa ayaa horay u sheegay in sare loo sii qaaday howlgalada lagu baacsanayo hoggaamiyaha ismaamulkaasi si uu uga jawaabo sababta keentay inuu tallaabo shakhsiyeed qaado iyadoo ay suurtagal tahay inuu ku wargaliyo maamulada dalka ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here