Guddoomiyaha Ismaamulka Nandi oo la Filayo in Maxkamadda la soo Taago

Waxaa  la filayaa in maanta maxkamad la soo taago  barasaabka dowlad deegaanka Nandi  ,Stephen Sang oo shalay la xiray.

Taliyaha booliska gobolka   Nyanza ,Vincent Makokha ayaa sheegay  in guddoomiyaha uu wajahayo dacwado ku saabsan  burburin uu ku sameeyay caleenta shaaha oo la beeray.

Waxaa sido kale loo haystaa inuu sameeyay kicin dadweynaha  taasi oo keentay in ugu dambeyn gacanta lagu dhigo  loona taxaabo saldhigga booliska ee  magaalada Kisumu.

Wararka ayaa intaasi ku daraya  in caleenta shaaha ee uu jaray  Mr. Sang lagu abuuray beer uu leeyahay  Henry Kosgey oo horay xildhibaan u soo noqday.

Mr. Sangu ayaa tallaabadaasi qaaday isagoo ku andacoonaya in dhulkaasi  beerta ay ku taalla uu yahay mid bulshada laga  dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here