Guddoomiyaha ismaamulka Tharaka Nithi oo isu dhiibay EACC

Barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi, Muthomi Njuki ayaa isu dhiibay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa EACC.
Guddoomiyaha ayaa saaka tagay xarunta guddiga EACC si su’aalo loo weydiiyo.
Maalmo ka hor ayuu agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji uu amar ku bixiyay in la soo xiro dacwadna lagu soo oogo barasaabka Tharaka Nithi Muthomi Njuki iyo sidoo kale sarakiil kale kuwaas oo lala xiriiriyay fadeexad musuqmaasuq oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 34.9 milyan oo shilin.
Sida laga soo xigtay Mr. Nuurdiin Xaaji, Westomaxx Investments Limited, oo ah shirkad soo gudbisay dokumeentiyo been abuur ah ayaa la siiyay qandaraaska.
Guddoomiyaha iyo eedeysanayaasha kale ayaa lagu eedeeyay in si aan caadi ahayn uu qandaraas la xiriira mashruuc dhanka nadaafadda ah uu u bixiyay .
Nuurdiin Xaaji ayaa hadda doonayaa in la soo qabto shakhsiyaadka kala ah
Fridah Muthoni Murungi – Madaxa waaxda deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah.
Floridah Kiende Nywigah – Ku simaha Agaasimaha soo iibsiga agabka
Highton Muriithi Njue – Sarkaalka Maaliyadda
Gawaarida Lee Mwenda Munene – Madaxa waaxda Wadooyinka, Kaabayaasha iyo Guriyeynta iyo saraakiil kale.
Shalay ayey ahayd markii qaar ka mid ah dadweynaha ismaamulkaas ay aad u soo dhaweeyeen go’aanka Nuurdiin Xaaji ee lagu soo xiraya guddoomiyaha halka kuwo kalena ay sheegeen inuu yahay mid siyaasadeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here