Guddoomiyaha Kakamega oo dhaliil u jeediyay dowladda dhexe

Barasaabka ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka ahna guddoomiyaha golaha ay ku mideysanyihiin hoggaamiyaasha dowlad deegaanada ee COG Mr. Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in dowladda dhexe aynan daacad ka ahayn arrinta ku aaddan lacagaha ismaamullada lagu leeyahay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda Mr. Ukur Yatani ay barasaabyada ugu baaqeen inay bixiyaan lacago ay ku yeesheen shakhsiyaad iyo shirkado u fidiyay adeegyo kala duwan.
Wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay inuu jiro dhaqaale lagu bixin karo lacagaha ka maqan qandaraasleeyda sannado ka hor heshiisyo la galay ismaamullada.
Matiangi ayaa xusay in guddoomiyaasha dowlad deegaanada aynan daacad ka ahayn xallinta arrintan oo ayna maamulka talada haya u jeedinayaan eedeymo waxba kama jiraan ah.
Hasa ahaate Mr.Oparanya ayaa hadalka wasiirka gaashaanka u daruuray.
Mr. Oparanya ayaa difaacay ismaamullada isagoo sheegay inay raacayaan nidaamka u degsan bixinta deymaha wuxuuna dowladda dhexe ugu baaqay inaynan cadaadis dheeraad ah saarin .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here