Guddoomiyaha Kiambu oo maxkamadda ku laabtay

Barasaabka ismaamulka Kiambu ,Ferdinand Waititu ayaa maanta dib ugu laabtay maxkamadda isagoo doonayo in isbeddel lagu sameeyo go’aan ka dhan ah oo maalmo ka hor la soo saaray.
Waxaa uu dadaal ugu jiraa sidii looga noqon lahaa amar maxkamadeed oo looga mamnuucay inuu xafiiskiisa ka howlgalo.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa codsiga Waititu ka soo horjeeda waxaa uuna dalbanaya inuu si buuxda ugu hoggaansamo amarkii garsoore Lawrence Mugambi.
Mr .Waititu ayaa loo diiday inuu xafiiskiisa tago ilaa inta laga soo gabagabeynayo dacwad ku saabsan musuqmaasuqa taasi oo ah fadeexad muran dhalisay oo ku aaddan qandaraasyo la bixiyay oo ku kacayay 588 milyan oo shilin.
Guddoomiyaha Kiambu ayaa si cad u sheegay inaynan khasab ahayn inuu tago xafiiska rasmiga ah si uu bulshada soo dooratay ugu adeego.
Waxaa uu dhanka kale gaashaanka u daruuray warar sheegaya inuu jiro qorsho ah in wakiilada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi ay xilka qaadis ku sameyaan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii maxkamaddu ay ku siidaysay damiin lacageed oo dhan 15 milyan oo shilin balse waxaa uu ku doodaya inaynan sharci ahayn in laga hor istaago xafiiskii uu shacabka soo doortay uga adeegayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here