Guddoomiyaha Kirinyaga Anne Waiguru oo Talaadada hor tagaysa aqalka sare

Barasabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa lagu wadaa inay wajahdo aqalka senate-ka todobaadka soo socda ka dib markii maxkamadda sare ay ka hor timaaday codsigeedi ahaa in waxba kama jiraan lagu tilmaamo tallaabadii xilka looga xayuubiyay.
Hoggaamiyaha siyaasiyiinta tirada badan ee aqalka senate- Irungu Kangata ayaa sheegay in kulanka guddiga Ganacsiga ee Senate-ka ee la qabtay galabnimadii Jimcaha lagu go’aamiyay in dhageysiga kiiska Waiguru laga dhigo Talaadada.
Wuxuu sidoo kale beeniyay sheegashada ah inuu abaabulayay senatarrada si ay u taageeraan sameynta koox 11 xubnood ah oo dhageysata xil ka qaadista Waiguru.
Guddoomiye Waiguru ayaa la filayaa inay hortagto aqalka sare si ay isaga difaacdo eedeymaha xilka looga xayuubiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here