Guddoomiyaha Kirinyaga oo ku baaqday in Kenyaanka aan lagu kala qaybin BBI

Barasaabka ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka Anne Waiguru ayaa ku Talisay in shacabka Kenyaanka ah aysan marnaba ogolaan in lagu kala qaybiyo warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Waxay baaq gaar ah u dirtay dadweynaha iyo siyaasiyiinta gobolka ay ka soo jeeddo.
Waiguru ayaa hoosta ka xarriiqday in qof kasta laga doonayo inuu akhriyo oo uu fahmo qodobbada ku xusan warbixinta BBI.
Haweeneydan ayaa sheegtay in ujeedada laga leeyahay warbixinta BBI ay tahay mideynta shacabka sidaas awgeedna aan loo baahneyn in la abuuro doodo sii kala qaybin karo muwaadiniinta dalka.
Waxay xustay in muhiimaddu ay tahay nabadda oo lagu dadaalo xita iyadoo aragti kala duwan laga muujinaya warbixinta.
Dhanka kale Anne Waiguru ayaa shacabka ku nool ismaamulka Kirinyaga iyo dhammaan Kenyaanka ugu baaqday in ay si buuxda ugu hoggaansamaan amarrada iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo faafidda cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here