Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee golaha hoose ee Nairobi oo warbaahinta la hadlay

Guddoomiye ku xigeenkii golaha hoose ee ismaamulka Nairobi John Kamau Kamangu oo maanta si ku meel gaar ah loogu wareejiyay xilka guddoomiyaha ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii howlaha xaruntaas ay u sii socon lahayeen.
Tani ayaa timid kaddib markii maanta Beatrice Elachi oo xilkaas haysay ay jaraaid oo ay qabatay kaga dhawaaqday inay iska casishay jagadii ay haysay.
Waxay sheegtay inay warqadda iscasilaadda u gudbisay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Elachi ayaa golaha hoose ee dowlad deegaanka Nairobi guddoomiye ka ahayd tan iyo bishii sagalaad ee sannadkii 2017-kii.
Waxay sheegtay inay sharaf u tahay mudadii ay xilkan haysay sido kalena horumar wax ku ool ah la sameeyay in kastoo ay caqabado jireen.
Haweeneydan ayaa xustay in maamulka NMS uu caasimadda dalka u horseedi doono isbeddel wanaagsan.
Waxay hoosta ka xarriiqday in maalmihii la soo dhaafay ay dhibaatooyin iyo dhacdooyin nolosha halis gelinaya ay ka jireen golaha.
Xilka ay banneysay ayay si ku meel gaar ah ugu magacawday ku xigeenkeeda John Kamau Kamangu .
Mr. Kamangu ayaa sido kale ah wakiilka deegaanka hoose ee Ruai.
Beatrice Elachi iyo Kamau Kamangu ayaa horay mucaaradnimo kala kulmay wakiillada oo ku eedeyay musuqmaasuq , magacaabid aan sharci ahayn, maamul lagu tilmaamay qaab militari iyo cabsigelin.
Horraantii bishan ayay ahayd markii guddoomiyaha maanta is casishay ay hakisay kal-fadhiyadii golaha ilaa iyo bisha sagalaad ee sannadkan kaddib markii lagu wargeliyay in xilkaqaadis lala damacsan yahay.
Ismaamulka Nairobi ayaa waxaa in muddo ah ka jirtay caqabad iyo isqabqabsi dhanka hoggaanka ah.
12-kii bishii koowaad ee sannadkii 2018-kii ayuu xilkiisii iska casilay barasaab ku xigeenkii caasimadda dalka Polycarp Igathe.
Guddoomiyaha dowlad deegaanka Nairobi Mike Sonko ayaan tan iyo xilligaas soo magacaabin ku xigeen.
Sonko oo qudiisa lagu eedeyay musuqmaasuq ayay maxkamadda ka mamnuucday inuu xafiiska tago.
Sido kale waxaa afar ka mid ah waajibaadkii dowladda hoose ee Nairobi lagu wareejiyay dowladda dhexe waxaana fulinta adeegyadan loo xilsaaray maamul loo yaqaano NMS.
Maamulkan waxaa hoggaamiyo Maxamad Badi oo uunan heshiis wanaagsan kala dhexeyn Sonko maadaama uu ku tilmaamay inuu qaab militari wax ku maamulaya.
Is-casilaadda Beatrice Elachi ayaa culeys dheeraad ku ah u adeegidda shacabka ku nool caasimadda wadanka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here