Guddoomiyaha Lamu oo xaqiijiyay weerar saaka dhacay

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta, Irungu Macharia ayaa warbaahinta u sheegay in weerar uu saaka halkaas ka dhacay .
Falkan ayaa abaare 4-tii aroornimo ee maanta lala eegtay saldhigga ciidamada dalka gaar ahaan kuwa badda ee aagga Manda-Magogoni .
Waxaa uu intaas ku daray in koox hubeysan inay ku soo duushay xerada Simba Camp oo ay sido kale ku sugan yihiin ciidamada milatariga ee Maraykanka.
Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay in kastoo wararka ay sheegayaan in la maqlay rasaas la isweeydaarsanayay sido kale la burburray afar diyaaradood .
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka waxayna ku tilmaantay inuu yahay mid looga falcelinayo dhibaatooyinka la taagan magaalada Quddus ee Falastiin.
Shalay ayay ahayd markii afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna uu sheegay in amniga dalka si weyn loo sugay sidaas awgeedna aynan jirin sabab keeni karto in shacabka ay walaac muujiyaan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in ammaanka Lamu oo maalmo ka hor bas lagu weeraray la adkeeyay oo shakhsiyaadkii ka dambeeyay falkaas laga takhalusay.
Wixii qodobkan ku soo kordho wararka dambe ayaad ku dhageysan doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here