Guddoomiyaha Machakos oo ku baaqay in la qabto shirweyne ku saabsan dhaqaalaha dalka

Barasaabka ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua ayaa sheegay in la joogo xilligii madaxda la soo doortay ay soo afjari lahayeen kulamada iyo isku soo baxyada siyaasadeed ee ay qabanayaan oo ayna isugu imaan lahayeen shirweyne looga arrinsanayo xaaladda dhaqaale ee dalka.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in dastuurka wadanka u degsan uu dadweynaha fursad u siinayo inay ganacsadaan hase ahaate caqabadaha jiro ay ka mid yihiin dhalinyaro badan oo shaqa la’aan ah iyo in sida uu hadalka u dhigay miisaaniyaddii dhawaan baarlamaanka laga hor akhriyay ay culeys dhanka canshuuraha oo dheeraad ah ku keenayso shacabka.
Guddoomiyaha dowlad deegaanka Machakos ayaa xusay inaynan qasab ahayn in dowladda dhexe oo keliya laga sugo inay xal u hesho dhaqaalaha dalka.
Waxaa uu ku talinaya in madaxda ismaamulada , kuwa dowladda dhexe ka tirsan, saraakiisha bangiyada , shacabka iyo aqoonyahaanada falanqeeya dhaqaale in laga doonayo inay ka qeyb galaan shir qaran oo looga doodayo sida lagu wanaajin karo heerka dhaqaale ee wadanka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here