Guddoomiyaha Mandera oo ku baaqay inaan la fududeysan Coronavirus

Barasaabka ismaamulka Mandera , Cali Ibraahim Roba ayaa soo jeediyay in lagu baraarugo khatarta jirta oo aan marnaba la fududeysan caabuqa coronavirus ee loo yaqaano COVID-19.
Qoraal uu dhawaan soo dhigay bartiisa rasmiga ee twitarka ayuu arrinkan shaaca kaga qaaday.
Waxaa uu Cali Roba hoosta ka xarriqay inaan weli si buuxda loogu diyaar garoobin la tacaalidda dhibaatada saameysay wadamo badan oo caalamka ka mid ah.
Guddoomiyaha Mandera ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa dadweynaha oo la xaddido ay tahay hal qaab keliya oo ka hor tag u noqon karto in cudurka la isku gudbiyo.
Barasaabka ayaa xusay in la doonayo in diiradda la saaro diyaarinta daawooyinka , qalabka lagula tacaali karo cudurka sido kalena shacabka ay wax ka beddelaan hab-dhaqankooda.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii hoggaamiyaha Mandera uu soo jeediyay in tababaro la siiyo howlwadeenada caafimaadka sido kalena qiimeyn guud laga sameeyo ismaamullada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here