Guddoomiyaha Mandera oo sheegay in loo baahan yahay xayiraad hal bil ah

Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Rooba ayaa sheegay in caabuqa corona uu si weyn ugu sii dhex faafaya degmooyinka dalka.
Waxaa uu xusay inay lagama maarmaan tahay in hoggaamiyaasha ay qaadaan tallaabooyin aan caadi ahayn.
Cali Rooba ayaa sheegay in aan laga baaqsan karin xayiraad buuxa oo hal bil ah si loo xakameeyo faafidda cudurka COVID-19.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in wajigii koowaad ee fayraska uusan xita u dhigmin boqolkiiba hal ee wajiga labaad.
Mas’uulkan ayaa musiibo wadanka ku soo fool-leh ku tilmaamay qaabka uu cudurka ugu fidaya degmooyinka.
Barasaabka Mandera ayaa sheegay in iyadoo dowladda dhexe iyo ismaamullada ay dadalayaan , in shacabka laga doonayo inay muujiyaan mas’uuliyad shakhsiyaad oo ku aaddan ka hor tagga cudurka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here