Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo Qarax ka badbaaday.

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2017-10-14 14:02:52Z | |

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaay sheegayaan in halkaas qarax lagula eegtay Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa miino dhulka la geliyay,waxaana Guddoomiyaha iyo Kolonyada uu la socday lagula eegtay xili ay marayeen duleedka Magaalada Muqdisho,iyagoo ka soo laabtay Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay howlo shaqo ku aadeen.
Guddoomiye Shuute iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa xalay ku hoyday Saldhig Ciidanka Xoogga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Saliini ee duleedka Magaalada Marka,halkaas oo dhawaan weerar qaraxyo ku bilowday ay ku qaadeen Dagaalameyaasha Al-shabaab.
Ilo dhanka Amaanka oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Xaqiijiyay in Guddoomiyaha Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida uu nabad qabo,isla markaana uu qaraxaas ka badbaaday.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxas ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho ee lala eegtay kolonyada uu la socday gudoomiye shuute.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here