Guddoomiyaha Meru oo ku baaqay in xisbiga Jubilee laga eryo xildhibaan Mpuru Aburi

Barasaabka ismaamulka Meru Kiraitu Murungi ayaa ugu baaqay xisbiga talada dalka haya ee Jubilee inay xisbiga ka bixiyaan xildhibaanka sida magacaabida aqalka barlamaanka ku galay ee Mpuru Aburi ee ku jira baarlamaanka bariga Africa ee ( Eala).
Xildhibaankan ayaa lagu eedeeyay inuu xisbiga Jubilee daacad u ahayn oo uu xisbi kale siiyo fikrado.
Barasaabka Meru ayaa waxaa uu warqad u qoray xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju isagoona ka codsaday in uu arrintan u soo bandhigo guddiga anshaxa ee u qaabilsan xisbiga talada ahaya.
Mr Murungi ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku markhaati furo xildhibaanka ka tirsan bariga Africa.
Sido kale waxaa uu kula taliyay xisbiga Jubilee inay ka laabato magacaabista xubnimadiisa ee xildhibaananimo kaas oo ku matalaya Bariga Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here