Guddoomiyaha Meru oo mamnuucay in shakhsiyaad ay cunto qeybiyaan

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Meru, Allan Machari ayaa mamnuucay in shakhsiyaad ay dadweynaha u qeybiyaan cunto gargaar ah.
Waxaa uu cid kasta oo qorshahan leh ku booriyay in gargaarka ay ku soo hagaajiso dowladda ismaamulka.
Tani ayaa timid kaddib markii cunto laga qeybiyay deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu , gobolka bartamaha dalka la sheegay inay waxyeello ka soo gaartay dadkii cunay.
Dhanka kale guddoomiyaha ayaa xusay in dabagal lagu sameeyay dad la macaamilay laba qof oo ka mid ah dadka halkaas looga helay cudurka covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here