Guddoomiyaha Migori oo sheegaya in ilaaladiisi lagala laabtay

Barasaabka ismaamulka Migori Okoth Obado oo wajahaya eedeymo la xiriira musuqmaasuq sido kalena ay maxkamadda ka hor istaagtay inuu tago xafiiskiisa rasmiga ayaa ku andacoonaya in lagala wareegay saraakiishii ilaalinaysay.
Waxaa hasa ahaate arrinkan beeniyay guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulkaas Boaz Cherotich .
Obado ayaa sheegay in lagula kacay tallaabo uu ku tilmaamay diktateernimo.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayuu ka codsaday inuu soo farogeliyo xaaladda amni ee Migori.
Okoth Obado ayaa sido kale xusay in lagu hayo cabsi gelin wuxuuna su’aal geliyay sababta dacwadda uu wajahaya ay u soo jiidatay dareenka dad badan.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaan niyad wanaagsan laga lahayn isbeddelo dhawaan lagu sameeyay qaar ka mid ah maamulayaasha dowladda dhexe ee Migori.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here