Guddoomiyaha Murang’a oo xabsi wajahaya

Guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan xisabaadka iyo maalgashiga ayaa abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai u qoray warqad lagu dalbanaya in lagu soo xiro barasaabka ismaamulka Murang’a Mwangi Wa Iria.
Tani ayaa timid kaddib warbixin ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka oo lagu sheegay wax is dabamarin maaliyadeed oo dowlad deegaankaas ka dhacday.
Waxaa warbixinta lagu eegayay sanad maaliyadeedkii 2014/15 iyo 2017/18
Guddiga aqalka sare ayaa xusay inuu xaqiijin doono in baaritaanada la soo gabagabeeyo iyadoo loo daneynaya shacabka ismaamulka Murang’a
Go’aanka guddiga aqalka sare ayaa yimid kaddib markii barasaabka uu ku guuldareystay inuu ka soo hormuuqdo senatarrada in kastoo marar badan loo yeeray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here