Guddoomiyaha Nairobi oo beeniyay inuu EACC marin habaabiyay

Barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa gaashaanka u daruuray eedeymo loo soo jeediyay oo ah inuu been u sheegay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Shalay ayay ahayd markii ciidamada booliska ee qaabilsan la tacaalidda dibadbaxyada ay sunta dadka ka ilimeysiisa ku kala eryeen boqolaal ka mid ah taagerayaasha Mike Sonko.
Dadkan iyaga ah ayaa tagay xarunta dhexe ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC halkaasi oo Sonko su’aalo lagu weydiinayo.
Mike Sonko ayay EACC u yeertay si uu fariin u qoro kaddib markii ay soo baxday eedeyn ah inuunan runta caddeyn 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii 2017-kii xilligaasi oo uu doonayay in loo oggolaado inuu u tartamo xilka guddoomiyanimo ee uu hadda hayo.
Madaxa fulinta ee EACC , Twalib Mbarak ayaa warqad uu barasaabka Nairobi u qoray ku sheegay in fariintiisa ay kaalin weyn ka qaadanayso baaritaanada socdo.
Hasa ahaate Mike Sonko ayaa in loo yeeray ku tilmaamay bartilmaameedsi sidaas awgeedna aan la cabsi gelin karin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaynan sax ahayn in xilliga la sheegay uu qariyay in sannadkii 1997-kii dembi lagu helay.
Sonko ayaa sheegay inay aad u kala duwantahay in dacwad lagugu soo oogo iyo in dembi lagugu caddeeyo oo lagu xukumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here