Guddoomiyaha Nairobi oo isku shaandheyn sameeyay

Barasaabka caasimadda dalka ee Nairobi Mike Sonko ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo maalinka berri ah la filayo in 15 sarkaal oo maamulka dowladda Nairobi ka tirsan iyo kuwo horay uga soo shaqeeyay ay iska xaadiriyaan xarunta dhexe ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Mas’uuliyiintan ayaa su’aalo laga weydiin doonaa mashruuc muran dhaliyay oo garoon ciyaareed looga dhisayo xaafadda Dandora ee magaaladatani Nairobi.
Sii hayaha xilka xoghayaha dowladda ismaamulka Nairobi sido kalena ahayd wasiiradda beeraha Pauline Kahiga ayaa loo wareejiyay dhanka dhulalka iyadoo xilalksii ay haysay uu qaban doono Winfred Kathangu.
Wasiirka ganacsiga ayaa loo magacaabay Allan Igambi ,Newton Munene ( wasiirka teknoljiyadda ), Larry Wambua ( dowlad wadaajinta), Lucia Mulwa (waxbarashada ) Hitan Majevdia (gaadiidka ).
Vesca Kangogo oo ah wasiirka deegaanka ayaa si ku meel gaar ah u sii hayn doono xilka wasiirka wasaaradda caafimaadka kaddib markii shaqada laga istaajiyay Maxamad Dhaqane.
Madaxii waaxda qaabilsan dakhliga ee Nairobi Johnson Akong’o ayaa laga dhigay sii hayaha xilka sarkaalka ugu sarreeya ee dhanka maaliyadda.
Agaasimaha isgaarsiinta ee xafiiska guddoomiyaha Nairobi ,Elkana Jacob ayaa sheegay in isbeddeladan looga gol leeyahay in la sii wanaajiyo adeegyada loo fidiyo shacabka ku nool magaala madaxda wadanka.
Sido kale waxaa qandaraaskii ay ku shaqeynayeen loo cusbooneysiiyay 11 ka mid ah 19 saraakiil sar sare oo ka tirsanaa waaxyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here