Guddoomiyaha Nairobi oo isku shaandheyn sameyay

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa mar kale isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirrada.
Waxaa uu shaqada ka eryay laba ka mid ah wasiirrada .
Mr. Sonko ayaa shaqada ka tiray wasiiraddii maaliyadda ee dowlad deegaanka Nairobi ee caasimadda dalka Pauline Kahiga iyo dhiggeeda arrimaha beeraha Winfred Gathagu.
Waxaa shaqadooda dib ugu soo laabanaya wasiirada kala ah Charles Kerich iyo Maxamad Dhaqane oo saddex bilood ka hor laga istaajiyay.
Mr. Kerich ayaa sii hayn doono xilka wasiirka dhulalka iyo guriyeynta oo laga qaaday kaddib markii sannadkii hore uu dumay mid ka mid ah fasalada dugsiga Precious Talents School oo khasaare nafeed uu ka dhashay.
Ms. Kahiga ayaa haysay xilka wasaaradda dhulalka iyo maaliyadda.
Waxaa xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda ee ismaamulka Nairobu uu hadda Sonko u magacaabay Mr Allan Igambi.
Mr.Maxamad Dhaqane ayaa loo wareejiyay wasaaradda waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud.
Ka hor inta aan shaqada laga istaajin isaga iyo Mr Kerich waxaa uu hoggaaminayay wasaaradda caafimaadka.
Wasiiraddoo wasaaradda deegaanka iyo biyaha Vesca Kangogo ayaa loo wareejiyay dhanka dowlad wadaajinta iyo maareynta adeegga dadweynaha.
Waxa Ms Kangogo ay xilka kala wareegaysa Larry Wambua oo horay dhanka dowlad wadaajinta iyo deegaanka madax ka ahaa.
Newton Munene ayaa sii hayn doono xilka wasiirka wasaaradda ICT-da ama warfaafinta, isgaarsiinta iyo teknolojiyadda iyo adeegyada dhanka online ah halka Lucia Mulwa laga dhigay wasiiradda waxbarashada iyo cayaaraha.
Mike Sonko ayaa Leboo Morintat u daayay xilka xoghayaha ismaamulka Nairobi ,Lydia Kwamboka, xeer ilaaliyaha dowlad deegaanka iyo Peter Kamau Mugo, madaxa shaqaalaha.
Hadii golaha hoose ee ismaamulka Nairobi uu ansaxiyo waxaa golaha wasiiradda ee caasimadda dalka ku soo biiraya Karen Nyamu oo tartan u gashay xilka wakiilka haweenka ee Nairobi iyo George Fredrick Omogi.
Ms Nyamu, oo qareen ah ayaa turxaan bixin iyo ansaxin kaddib la wareegi doono xilka wasiirka beeraha halka Mr Omogi uu noqonayo wasiirka wasaaradda beeraha iyo iskaashatada.
Hitan Majevdia, oo madax ka ahaa wasaaradda gaadiiaka waxaa loo wareejiyay dhanka caafimaadka .
Isbeddelada uu Mike Sonko sameweyay ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay agaasimaha isgaarsiinta ee Nairobi , Elkana Jacob .
Isku shaandheyntan ayaa imaanaysa iyadoo barasaabka caasimadda dalka , Mike Sonko oo loo haysto eedeymo musuqmaasuqa oo la xiriira 357.4 milyan oo shilin uu weli damiin lacageed bannaanka ku joogo.
Waxay maxkamadda ka hor istaagtay inuu iska xaadiriyo xafiiskiisa rasmiga ee uu bulshada ugu adeego si uunan u faragelin caddeymaha loo cuskanaya kiiska ka dhanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here