Guddoomiyaha Nairobi oo shaqada ka eryay laba ka mid ah kalkaaliyaasha Dandora

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi ,Mike Sonko ayaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojiyay laba kalkaaliye oo ka shaqeynayay isbitaalka xaafadda Dandora.
Arrintan ayaa timid kaddib markii la soo tabiyay in haweeney ay ku umusha afaafka hore ee isbitaalkaasi maadaama aynan haysan 20 shilin oo lagu diiwaangeliyo.
Mr. Sonko ayaa ballanqaaday in baaritaano madaxa bannaan lagu sameyn doono eedeymo ka dhan ah kalkaaliyayaasha oo ay ka mid tahay laaluush qaadasho.
Waxaa uu intaasi ku daray in haweeneyda dhibkaasi la kulantay ay sida ugu dhaqsiyaha badan caddaalad u heli doonto halka cidii dembigaasi lagu helo tallaabo sharciyeed laga qaadayo.
Wasiirka caafimaadka ee dowlad deegaanka Nairobi Maxamad Dhaqane ayaa dhankiisa xusay inaynan weli caddeyn in haweeneyda lacag la’aan awgeed loo celiyay iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here