Guddoomiyaha Narok oo digniin u diray mulkiilayaasha goobaha lagu caweeyo

Barasaabka ismaamulka Narok Samuel Kuntai Ole Tunai ayaa digniin adag u diray mulkiilayaasha iyo howlwadeenada goobaha lagu caweeyo ee dowlad deegaankaas.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inay jiraan goobo shaqeynaya kaddib 9-ka fiidnimo.
Waxaa uu wacad ku maray in goobahan lagala laabanaya leesinka ay ku shaqeyaan ugu dambeyna si buuxda meesha looga saaraya.

Gudaha dalka ayaa waxaa tan iyo 27-kii bishii saddexaad ee sannadkan xilliga habeenkii ka jiray bandow ka mid ah tallaabooyinka dowladda ay kula dagaalamayso cudurka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here