Guddoomiyaha Wajeer oo ku baaqay in xal laga gaaro fal amni darro oo ka dhacay Bute

Barasaabka ismaamulka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa qoraal uu saacado ka hor soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga wax laga xumaado ku tilmaamay dilal dhawaan ka dhacay degmada Bute.
Labo maalmood ka hor ayaa halkaas lagu dilay mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka.
Dad la sheegay inay ka soo gudbeen dhanka dalka Itoobiya ayaa lagu eedeyay inay falkaas ka dambeyeen.
Waxaa dilkaas ka dhashay falcelin ay sameyeen wadayaasha mootooyinka iyo dadweynaha oo lagu dilay afar qof halka 4 kalena la dhaawacay.
Guddomiyaha Wajeer ayaa tacsi u diray qoysaska shanta qof ee la dilay wuxuuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhaawaca lagu daaweynaya isbitaalka Bute.
Saraakiisha ammaanka ayuu Maxamad Cabdi Maxamuud ka codsaday inay gacanta ku soo dhigaan shakhsiyaadkii billaabay rabshadaha ee ugu dambeyn u gudbay dhanka Itoobiya.
Sido kale waxaa uu ku taliyay in la xakameeyo tirada badan ee ajaaniibta ee ka imaanaya Itoobiya oo uu sheegay in qaar ka mid ah ay wadanka soo gelinayaan daroogo sido kalena ku lug leeyihiin falalka amni darro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here