Guddoomiye ku xigeenka Kiambu oo la filayo in xilka barasaabka loo dhaariyo

Waxaa la sugayaa saacadaha soo socdo in xilka guddoomiyaha ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka loo dhaariyo barasaab ku xigeenka dowlad deegaankaasi James Nyoro.
Arrintan ayaa timid kaddib markii xalay codeyn ay sameyeen xubnaha aqalka sare ee dalka xilka looga xayuubiyay Ferdinand Waititu oo ahaa guddoomiyaha Kiambu.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in maxkamadda sare ee dalka ay garsoore John Onyiego u xilsaartay dhaarinta Nyoro.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo guddoomiyaha aqalka sare ,Kenneth Lusaka uu wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay xilka qaadista Waititu ee xalay dhacday.
Dhanka kale qareeno matalaya Ferdinand Waititu ayaa la filayaa inay maxkamadda u gudbiyaan dacwad ay kaga soo horjeedaan xilka qaadista la sameeyay iyo dhaarinta barasaabka ku xigeenka ee lagu guda jiro.
Go’aanka xubnaha aqalka sare ee dalka ee Senate-ka ayaa yimid kaddib kal fadhi ay yeesheen oo xalay fiidkii soo dhamaaday.
Mr. Waititu oo toddobaadyadii la soo dhaafay wajahayay eedeymo kaga yimid golaha hoose ee dowlad deegaanka uu hoggaamiyo ayay wakiillada horay xilka uga qaadeen.
Waxay go’aankaas oo ay taageereen 63 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee Kiambu ay ku saleeyeen in Waititu uunan u hoggaansamin shuruucda u degsan soo iibsashada qalabka.
Sido kale inuu musuqmaasuq ku kacay awoodiisana uu ku takriifalay.
Waxaa kal fadhigga xalay ka qeyb galay 38 senetarro ah.
28 ka mid ah oo u badan kuwa garabka mucaaradka ee dalka ayaa taageeray saddex eedeymo oo wakiillada golaha hoose ee Kiambu ay u jeediyeen barasaabka.
Dacwadii ugu horreysay ayaa ahayd in guddoomiyaha uu dastuurka wadanka ku xadgudbay.
Waxaa codkooda ku taageeray 27 senatarro ah halka 11 ay diideen.
Kiiskii labaad ayaa ahaa inuu Waititu baal maray shuruuc qaran iyo midkii saddexaad oo la xiriiray ku takriifal awoodeed waxaa taageeray 28 halka 10 ay ka soo horjeesteen.
Waititu ayaa dhankiisa wakiilada golaha hoose ee Kiambu ku eedeyay inay bartilmaameedsi siyaasadeed ku hayaan.
Waxaa uu muddo saacado ah isku dayay inuu senetarrada ka dhaadhiciyo inay dhinac isaga dhigaan soo jeedinta xubnaha golaha hoose ee Kiambu balse waa uu ku guul dareystay.
Ismaamulka Kiambu ayaa waxaa hadda ka socdo dabbaal deg ay sameynayaan qaar ka mid ah dadweynaha halka kuwo kalena ay dhaliilayaan dhaarinta la rajeynayo ee guddoomiye ku xigeenka oo ay dareemayaan inay tahay mid lagu degdegayo.
Qaar ka mid ah shacabka dalka oo muujiyay aragtidooda ku aaddan xilka xayuubinta lagu sameeyo mas’uuliyiinta musuqmaasuqa lala xiriiriya ayaa yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here