Guddoomiye ku xigeenka Kilifi oo damiin lagu siidaayay

Maxkamad uu fadhigeedu yahay magaalada Mombasa ayaa maanta damiin lacageed oo dhan 200,000 oo shilin ku siidaysay barasaab ku xigeenka ismaamulka Kilifi Mr. Gideon Saburi.
Waxaa loo haystaa inuunan u hoggaansamin amarkii dowladda ee ahaa inuu iskarantiilo kaddib safar uu kaga soo laabtay dalka Jarmalka.
Dowladda dhexe ayaa guddoomiye ku xigeenka ku eedeysay inuu amarkaas dafiray taasoo keentay inu cudurka Covid-19 ee saameeyay uu u gudbiyo dad la macaamilay.
In kastoo wasaaradda caafimaadka ay maalmo ka hor shaacisay in Mr. Saburi uu cudurka ka bogsaday, waxaa lagula xisaabtamaya khalad la rumeysan yahay inuu ku kacay oo halis geliyay nolosha qaar ka mid ah shacabka Kilifi.
Dembiga loo maxkamadeynayo ayuu galay intii u dhaxaysay 6-dii ilaa 22-kii bishii hore ee sannadkan.
Go’aanka maxkamadda ee maanta waxaa sido kale qeyb ka ah inuu soo wareejiyo baasaboorkiisa.
Garsoore Elvis Michieka ayaa eedeysanaha uga digay inuu wax xiriir ah la sameeyo marqaatida qeybta ka ah kiiskan.
Maxkamadda ayaa sido kale Mr. Saburi oo tan iyo markii la qabtay xirnaa 13 maalmood ku amartay inuu galo karantiil Khasab ah oo uu ku jiraya 14 cisho.
Kiiskan ayaa mar kale la dhageysan doonaa 5-ta bisha shanaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here