Guddoomiye ku xigeenka Kilifi oo ilaa khamiista xabsi ku jiraya

Ku xigeenka barasaabka ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta Mr. Gideon Saburi oo shalay maxkamad la soo taagay ayaa ilaa iyo khamiista xabsi ku jiri doono.
Waxaa hadda lagu hayaa saldhigga booliska ee dekadda Mombasa.
Garsoore Rita Amwe ayaa la filayaa inay khamiista go;aan ka soo saarto eedeymaha loo haysto ee ah inuu iska dhaga tiray amarkii dowladda .
Mr. Saburi ayaa wajahaya dacwad ah inuunan iskarantiilin kaddib safar uu kaga soo laabtay Jarmalka in kastoo dowladda ay ka dalbatay inuu sidaas sameeyo.
Saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda ayaa maxkamadda ka codsaday inay u oggolaato inay eedeysanaha xabsiga ku hayaan muddo 14 cisho ah si baaritaannada ka dhanka ah loo soo gabagabeeyo.
Sido kale waxay maxkamadda u sheegeen in shacabka Kilifi ay aad uga caroodeen khaladka uu Saburi sameeyay sidaas awgeed ay ka cabsi qabaan in la dhibaateeyo.
Hasa ahaate qareenka u doodaya barasaabka ku xigeenka oo lagu magacaabo George Kithi ayaa ka soo horjeestay codsiga waaxda dacwad soo oogidda taasoo uu ku tilmaamay sharci darro maadaama aan weli wax dembi ah lagu caddeyn.
Sido kale qareenka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Mr.Saburi laga dalbaday inuu 14 maalmood si iskiis ah isku karantiilo maadaama sida uu hadalka u dhigay aynan jirin caddeyn taasi loo cuskan karo.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday inuu bixiyay amarkii lagu soo xiray ku xigeenka barasaabka ismaamulka Kilifi Mr.Gideon Saburi .
Mr. Saburi ayaa ka mid noqday shakhsiyaadka uu haleelay cudurka Covid-19 ee loo yaqaano Coronavirus in kastoo Dowladda ay maalmo ka hor sheegtay inuu ka bogsaday.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa guddoomiye ku xigeenka Kilifi ku eedeyay inuu muujiyay taxaddar la’aan kaddib safar uu ku tagay dalka Jarmalka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaa ku daray inuu rajeynaya in Mr. Saburi lagu xukumo 10 sano oo xabsi ah.
Mr. Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in xilka uu siyaasigan haya uunan kaga badbaadi doonin in lagula xisaabtamo dembiga uu galay.
Kilifi ayaa ka mid ah afarta ismaamul ee Dowladda ay mamnuucday in loo safro ama laga soo safro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here