Guddoomiye ku xigeenka Kilifi oo maalmo dheeraad ah xabsi ku jiraya

Ku xigeenka barasaabka ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta Mr. Gideon Saburi oo maanta mar kale maxkamadda Mombasa ka soo hormuuqday ayaa maalmo dheeraad ah xabsiga lagu sii hayn doonaa.
Maalinkii isniinta ayay ahayd markii maxkamad la soo taagay waxaana saraakiisha ammaanka lagu amray inay maalmo dheeraad ah ku sii hayaan saldhigga booliska ee dekadda Mombasa.
Maanta ayaa maxkamadda dib loogu celiyay si loo dhagaysto dacwadda uu wajahaya ee ah inuu iska dhaga tiray amar dowladeed oo ku aaddanaa inuu si iskiis ah isku karantiilo kaddib safar uu ku tagay dalka Jarmalka oo laga soo tabiyay kiisas ku saabsan cudurka Coronavirus ee Covid-19.
Garsoore Rita Amwe ayaa go’aamisay in eedeysanaha uu maxkamadda ka soo hormuuqdo 15-ka bishan .
Waxay sido kale amartay in xilligaas loo soo bandhigo warbixinta ku aaddan in Saburi uu ka mid ahaa dadkii uu haleelay cudurka Covid-19 in kastoo uu ka bogsaday.
Xaakinka ayaa dhanka kale ku gacan seyrtay codsi ka yimid waaxda dacwad soo oogidda oo ahaa in eedeysanaha lagu sii hayo xabsiga Manyani Maximum.
Sido kale maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu sheegay inuu rajeynayo in mas’uulkan la xiro toban sano.
Waxaa hadalka Mr. Kenyatta mid saameyn ku leh kiiskan ku tilmaamay qareennada barasaab ku xigeenka matalaya in kastoo saraakiisha dacwad soo oogidda iyo maxkamaddaba ay sheegeen inay qaab madax bannaan u shaqeeyaan sidaas awgeedna aynan jirin cid faragelin karto baaritaannada.
Kilifi ayaa ka mid ah afarta ismaamul ee uu ka dhaqan galay amarka Dowladda dhexe ay ku mamnuucday in loo safro ama laga soo baxo si aan la isugu gudbin cudurka coronavirus ee Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here