Guddoomiye ku xigeenka Kilifi oo maanta maxkamadda dib loogu celinaya

Waxaa maanta mar kale maxkamadda Mombasa ka soo hormuuqan doono ku xigeenka barasaabka ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta Mr. Gideon Saburi.
Maalinkii isniinta ayay ahayd markii maxkamad la soo taagay waxaana saraakiisha ammaanka lagu amray inay maalmo dheeraad ah ku sii hayana saldhigga booliska ee dekadda Mombasa.
Garsoore Rita Amwe ayaa go;aan ka soo saari doonto eedeymaha loo haysto guddoomiye ku xigeenka Kilifi ee ah inuu iska dhaga tiray amar dowladeed.
Mr. Saburi ayaa wajahaya dacwad ah inuunan iskarantiilin kaddib safar uu kaga soo laabtay dalka Jarmalka in kastoo dowladda ay ka dalbatay inuu sidaas sameeyo.
Saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda ayaa Isniintii maxkamadda ka codsaday inay u oggolaato inay eedeysanaha xabsiga ku hayaan muddo 14 cisho ah si baaritaannada ka dhanka ah loo soo gabagabeeyo.
Sido kale waxay maxkamadda u sheegeen in shacabka Kilifi ay aad uga caroodeen khaladkii uu Saburi sameeyay sidaas awgeed ay ka cabsi qabaan in la dhibaateeyo.
Hasa ahaate qareenka u doodaya barasaab ku xigeenka oo lagu magacaabo George Kithi ayaa ka soo horjeestay codsiga waaxda dacwad soo oogidda taasoo uu ku tilmaamay sharci darro maadaama aan weli wax dembi ah lagu caddeyn.
Sido kale qareenka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Mr.Saburi laga dalbaday inuu 14 maalmood si iskiis ah isku karantiilo maadaama sida uu hadalka u dhigay aynan jirin caddeyn taasi loo cuskan karo.
Mr. Saburi ayaa ka mid noqday shakhsiyaadka uu haleelay cudurka Covid-19 ee loo yaqaano Coronavirus in kastoo dowladda ay maalmo ka hor sheegtay inuu ka bogsaday.
Sido kale maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu sheegay inuu rajeynayo in mas’uulkan la xiro toban sano.
Kilifi ayaa ka mid ah afarta ismaamul ee uu ka dhaqan galay amarka Dowladda dhexe ay ku mamnuucday in loo safro ama laga soo safro si aan la isugu gudbin cudurka coronavirus ee Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here