Guddoomiye ku xigeenkii guddiga NCIC oo geeriyootay

Waxaa dhawaan geeriyootay ku xigeenkii guddoomiyaha guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ,Fatuma Tabwara .
Xilli ay ka qeyb galaysay xaflad aroos oo ka dhacaysay ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta ayay Mrs. Tabwara taagnida ka dhacday.
Waxaa la geeyay isbitaalka degmada Diani oo ay ku dhimatay.
Haweeneydan ayaa ka mid ahayd mas’uuliyiintii guddiga NCIC ee bishii hore uu xilalkooda u dhaariyay madaxa caddaalada ee dalka Mr.David Maraga.
Ka hor inta aan xillka guddoomiye ku xigeenka NCIC loo magacaabin Fatuma Tabwara ayaa ahayd la taliyaha dhanka siyaasadda iyo xeerarka ee barasaabka Kwale Salim Mvurya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here