Guddoomiye xaafadeed caan ku ahaa Twittarka oo geeriyooday

Waxaa galinkii dambe ee shalay ismaamulka Nakuru ku geeriyooday mid ka mid ah guddoomiye xaafadeedyada dowlad deegaankaas oo aad u isticmaali jiray barta Twittarka.
Guddoomiyahan oo lagu magacaabi jiray Kariuki ayaa dhintay isagoo lagu daaweynaya isbitaalka weyn ee Nakuru.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulkaas Erastus Mbui ayaa geerida mas’uulkan xaqiijiyay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maanta baaritaano lagu sameyn doono meydka guddoomiyaha si loo aaso sabtida.
Guddoomiye xaafadeedka Umoja oo ka tirsan degmada Lane ee Nakuru ayaa tan iyo 2011-kii baraha bulshada gaar ahaan Twittarka si weyn ugu adeegsan jiray inuu warbixino ka helo sidoo kalena u gudbiyo shacabka tani oo keentay in laga aqoonsado gudaha dalka iyo caalamka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here