Guddoomiye xaafadeedyada oo laga doonayo inay soo sheegaan argagixisada

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ayaa shaaca ka qaaday in guddoomiye xaafadeedka ama jiifafka lagula xisaabtami doono hadii ay ka gaabiyaan inay soo sheegaan shakhsiyaadka looga shakiyo inay gaystaan ama ku lug leeyihiin falalka argagixiso.
Arrintan ayuu sheegay xilli shalay uu shir guddoomiyay kulamo kala duwan oo ka dhacay magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari.
Matiangi ayaa la shiray saraakiisha ugu sarreeya ee ammaanka ee gobolka, madaxda la soo doortay oo ay barasaabyada hoggaaminayaan iyo waxgaradka.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay laba jibaari doonto dagaalka ka dhanka ah badeecooyinka kontarabaanka ah.
Matiangi ayaa guddoomiyaasha tuulooyinka iyo ku xigeenadooda ku amray inay ku sugnaadaan meelaha ay dowladdu ku ogtahay ee ay ka shaqeeyaan.
Waxaa uu wacad ku maray in mas’uulkii aan amarkan u hoggaansamin muddo laba toddobaad gudaheed ah shaqada laga istaajinaya.
Dr. Fred Matiang’i ayaa intaas ku daray in maamulayaasha deegaanada si shakhsi ah loola xisaabtamayo hadii aynan soo gudbin warbixino ku saabsan dadka kooxaha argagixisada shaqaaleysiinta u sameeya , shakhsiyaadka faafiya fikradaha xagjirka iyo cid walba oo la shaqeysa argagixisada ama arrimahooda u fududeysa.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa carrabka ku dhuftay in guddi iskudhaf ah oo matalaya waaxyo kala duwan ay billaabi doonaan howlgallo amni.
Sido kale xubnaha guddigan ayaa kormeer ka sameyn doono xuduudda dalka uu la wadaago wadamada dariska la ah.
Waxaa uu guddigan ka shaqeyn doonaa ka hor tagga in wadanka la soo geliyo badeecooyinka sharci darrada ah , adeegyada la xiriira iyo sido kale ka hor tagga soo galootiga wadanka soo galo.
Waxaa uu wasirka xubnaha guddigan amar ku siiyay inay u soo gudbiyaan warbixino toddobaadla ah.
Dr. Fred Matiangi ayaa wacad ku maray in tallaabo sharciyeed oo adag laga qaadi doono sarkaal kasta oo dowladda u shaqeeya oo waajibaadka saaran sida habboon aan u gudan.
Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha dowladda ee dhanka sugidda ammaanka ayaa xusay inay qasab tahay in la burburiyo qaab kasta oo argagixisada uu dhaqaale ku soo galo.
Matiangi ayaa sheegay in cid kasta oo la shaqeysa, howlahooda u fududeeysa, beer jileec u muujiso ama maalgeliso argagixisada loola dhaqmaya sida cadowga dalka oo kale.
Wasiirka oo sido kale ah guddoomiyaha guddiga dowladda dhexe u qaabilsan dhaqangelinta ajeendayaasha horumarka qaran iyo isgaarsiinta ayaa xusay in lacag dhan 15 bilyan oo shilin lagu bixinaya mashaariicda horumarineed ee ismaamulka Garissa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here