Guddoomiyeyaasha loo diiday inay galaan xafiisyadooda oo codsi u dirsaday maxkamadda

Barasaabyada lagu soo eedeeyay falal musuqmaasuq ah oo laga hor istaagay inay ka howlgalaan xafiisyadooda ayaa dalbanayaa in shaqooyiinkooda ay dib ugu laabtaan iyagoona codsi u dirsaday maxkmadda.
Agaasimaha dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji iyo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa mas’uuliyiinta 6 ismaamul ku soo eedeeyay inay ku dhaqaqeeen ku takrifal awoodeen iyo inay lunsadeen hantida dadweynaha.
Maxkmadda markii loo gudbiyay dacwadooda waxaa lagu amray inaysan tagin xafiisyadooda.
Barasaabyada laga hor istaagay xafiisyadooda oo gaaraya ilaa iyo 6 ayaa waxaa ay kala yihiin barasaabka Garissa Cali Bunow Qorane, Mike Sonko Barasaabka Nairobi, Moses Lenolkulal (Samburu), Okoth Obado (Migori), Muthomi Njuki (Tharaka Nithi).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here