Guddoomiyihii Bangiga Dhexe Ee Turkiga Oo Shaqada Laga cayriyey

War maanta ka soo baxay Madaxtooyadda looga arimiyo Turkiga ayaa lagu sheegay in Guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee dalkaasi,Muraad Jetinkaya ayaa shaqada laga cayriyey.
Mas’uulkaasi waxaa xilkiisa loo dhiibay Ku-xigeenkiisa oo lagu magacaabo Muraad Uysal.
Lama shaacinin sababta xilka looga qaaday Guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee wadanka Turkiga , balse waxaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay jirtay inay hoos u dhacday Lacagta Liiraha Turkisha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here