Guddoomiyihii Ciyaaraha degmada Afgooye oo la dilay

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada Hoose ee Koonfurta Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay Masuul ka tirsanaa waaxyaha Ciyaaraha gobolka shabeelada Hosoe.
Cabdiwali Colaad Qanyare Gaatamow ayaa Kooxo hubaysan waxay Xalay Salaadii Taraawiixda ka dib ku dileen degmada Afgooye ee gobolka shabeellada Hoose.
Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in lagu dhex dilay Masaajid ku yaala degmada Afgooye ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.
Gaatamow wax uu ahaa Gudoomiyaha Sports ee Degmada Afgooye.
Sidoo kale wax uu ahaa Ciyaar yahan Qabiir ku ah Arimaha Sportska Soomaaliya.
Allaah U Naxariisto waxaa uu sidoo kale soo noqday Goolhayihii hore kooxda Mogdisho City Club.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here