Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo sheegay inaysan Soomaaliya waqti lumis siyaasadeed u baahneyn

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo Shirka la filayo inay Muqdisho ku dhexmaro Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inaysan xilligaan Soomaaliya u baahneyn waqti lumis siyaasadeed, isla markaana Shirka muqdisho loo baahan yahay inuu noqdo midkii gunnaanadi lahaa geedi socodkii shirrarka, doodihii arrimaha doorashooyinka iyo khilaafyadii soo jiray mudooyinka badan.
Qoraalka ka soo baxay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahanaa duqii magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Taabit Cabdi Maxamed ayaa sidatan u qornaa.
Marka la eego halka ay maanta Soomaaliya joogto, ma xamili karto waqti lumin siyaasaddeed, jahwareer doorasho iyo xifaaltan kooxeed. Ummaddeena intaas waa ka baahi badan tahay, waana ka maamuus weyn tahay.
Shirka #Muqdisho waa inuu noqdaa midkii gunnaanadi lahaa geedi socodkii shirrarka, doodihii arrimaha doorashooyinka iyo khilaafkii soo jiray, waana inuu xaaladda taagan si waadix ah u go’aamiyaa. Waxa qura ee la qaadan karo waa inuu shirkan kadib dalku doorasho aado, si ay shacabka, xisbiyada iyo cid walba u qaadato kaalinteeda.
Waxaan boggaadineynaa in dhammaan dhinacyadu aqbaleen iney #Muqdisho isugu yimaadaan, waxaana ku baaqeynaa in danta guud loo tanaasulo oo aan waqti kale laga lumin shacabka Soomaaliyeed ee indhaha iyo dhaggaha ku haya shanqarta siyaasiyiinta.
Wixii hadda kadib sii jiitama waxaay ka marqaati kici doonaan damac liita iyo mas’uuliyad darro, waxaana ceebteeda qaadan doonta ciddii fasha sidaas waxaa lagu soo gunaanaday warkii Qoraalka ahaa ee ka soo baxay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii hore ee Magaalada Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here