Guddoomiyihii hore ee guddiga bixiya leesimada gaadiidka oo geeriyooday

Guddoomiyihii hore ee guddiga dowladda dhexe u qaabilsan bixinta leesimada gaadiidka ee (TLB) Xassan ole Kamwaro ayaa geeriyooday I isagoo ay da’diisu tahay 75 sano.
Mas’uulkan ayaa waxaa uu tan iyo bishii laba iyo tobnaad ee sannadkii hore la xanuunsanaa nooca cudurka kansarka ee saameeya dhuunta.
Afhayeenka qoyska Martin Ole Kamwaro, ayaa sheegay in Xassan Ole Kamwaro uu 7-dii fiidnimo ee xalay ku dhintay isbitaalka Mercy ee ku yaalla Maraykanka.
Bishii saddexaad ee sannadkan ayay ahayd markii halkaasi loo qaaday si loo soo daaweeyo.
Sannadii 2015-kii ayay ahayd markii Xassan Ole Kamwaro loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka xisbiga Wiper.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here