Guddoomiyihii hore ee Nairobi oo lagu sii daayay lacag damiin ah

Barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Dr. Evans Kidero aya markii uu maanta maxkmada ka soo hormuuqday lagu sii daayay lacag damanaad ah oo dhan 8 Milyan.
Dr Kidero iyo 14 sarkaal ah ayaa loo heysta lacago musuqmaasuq ah
Sido kale barasaabki hore ee Nairobi ayaa maxkamadda ku ammartay in baasaboorkiisa uu kaga tago maxkamdo .
Shalay ayay ahayd markii Dr. Kidero iyo madaxii hore ee shaqaalaha Mr. George Wainaina la soo taagay maxkamadda Milimani waxayna iska fogeeyeen eedeymo loo soo jeediyay.
Waxaa loo haystaa fadeexad musuqmaasuq oo lacag dhan 68 milyan si sharci darro ah lagu siiyay shirkad bixiso adeegyada sharciga.
Dr. Kidero ayaa wajahaya dacwado ay ka mid yihiin lunsasho lacageed, awoodiisa oo uu ku takriifalay iyo hanti dadweyne oo uu si aan sharci ahayn uu ku helay.
Mas’uulkan hore ee ismamaulkani Nairobi ayaa afar cisho ku qaatay xabsiga
Maalinkii jimcaha ayay ahayd markii saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ay xabsiga u taxabeen Dr. Kidero iyo madaxii hore ee shaqaalaha Mr. George Wainaina .
Evans Kidero ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay wuxuuna guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ku eedeyay inuu bartilmaameedsanayo.
Dr. Kidero ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalada isaga ka dhanka ah ee dhowr mar xabsiga loogu taxaabay ay yihiin kuwo dani gaar ah oo aan wanaagsanayn laga leeyahay.
Waxaa uu dhanka kale Kidero ku doodayaan in waxyaabaha lagu eedeynayaa ay yihiin kuwo dhacay saddex sano ka hor inta uunan guddoomiye noqon.
Dr Kidero ayaa lagu eedeynaya inuu shakhsi ahaan lunsaday 14 milyan oo ka mid ah lacagta la musuqmaausqay.
Taliyaha saldhigga booliska ee xarunta dhexe ee magaaladatani Nairobi Mr. Simon Kerich ayaa si cad u sheegay inaan wax socdaal ah lagu qaban Karin bannaanka ama dibadda goobtaasi.
Dibadbaxayaasha ayaa hoosta ka xariiqay inay warqado cabasho ah u gudbin doonaan xafiiska madaxweynaha dalka iyo sido kale baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here